Odaayaasha Degmada Ceel Dheer oo la shiray Saraakiisha Xoogagga Al-Shabaab ee gacan-ku-heynta Degmadaas la wareegay

Cabirka Farta

Khamiis, November 13, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay wada hadallo yeesheen Odayaasha Degmadaas iyo Saraakiisha Xoogagga Al-Shabaab ee la wareegay gacan ku heynta Degmada Ceel Dheer.

Nabaddoon Maxmed Axmed oo ka mid ah Odayaasha kulanka la qaatay ayaa sheegay in ay Mas’uuliyiinta Al-Shabaab isku af-garteen in wixii dhimasho iyo dhaawac ahaa ee ka dhex dhacay Al-Shabaab iyo Dhalinyarada deegaanka lagu xaliyo Shareecada Islaamka, in dadkii magaalada ka barakacay oo uu sheegay in ay gaarayaan 95% dib loogu soo celiyo, in Ganacsigii Degmada oo hakad galay dib loo bilaabo iyo in nabadgelyada laga wada shaqeeyo.

Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii Xoogag amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay soo saareen amar ay ku joojinayaan in Qaad lagu dhex iibiyo laguna isticmaalo Degmada Ceel Dheer, waxayna taasi keentay in ay dhalinyaro deegaanka ah gadoodaan, kadibna uu dagaal dhexmaro, iyadoo iska hor-imaad labada dhinac dhexmarayna uu keenay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Xaaladda Degmada Ceel Dheer hadda waa ay degan tahay, waxaana gacanta ku haya Xoogagga Al-Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay magaalada dhinac ka joogaan Xoogag ka amar qaata Maxkamaha Islaamka oo aan iyagu wax lug ah ku yeelan shaqaaqadii ka dhacday Ceel Dheer.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia