Dowladda Federaalka Soomaaliya oo magacawday Xubnaha uga qeybgelaya Wada hadallada Jabuuti

Cabirka Farta

Khamiis, May 08, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay magacawday xubnihii ugu qeybgeli lahaa wada hadallada Jabuuti ka furmaya 10-ka bishan ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka soo horjeeda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha ay Dowladda u  Magacaabatay wada hadalladaas ay ka mid yihiin Wasiirka Dib u heshiisiin Maxamed Cabdi Ashkir, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud, Wasiirka Howlaha Guud Nuur Iidow Beyle, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil, Xildhibaan C/raxmaan Jaamac, Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed, Xildhibaan Ibrahim Garabey, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse, waxayna xubnaha wafdigan saacadaha soo socda u duulayaan Dalka Jabuuti.

Dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo isna laga sugayo guddi 7 xubnood ah oo shirkaas uga qeybgelaya ayaan ilaa iyo haatan laga heynin xubno uu wada hadallada u soo magacawday, iyadoo ayba jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in uu Isbaheysiga codsaday in shirka dib loogu dhigo ilaa 21ka Bishan.

Dhanka kalena Warar aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed ayaa waxay sheegayaan in Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah uu aad ugu dadaalayo sidii uu shirkaas u qabsoomi lahaa mudadii loogu talagalay oo ah 10-ka bishan.

Ugu dambeyntiina, Shirka ay isku soo hor-fariisinayaan guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay ku wada hadlaan mas’uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi karaan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia