Wakiilkii Midowga Maxkamadaha ee Gobalka Hiiraan oo ku dhintay dagaal shalay dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka

Cabirka Farta
Khamiis, May 08, 2008(HOL): Wakiilkii Midowga Maxkamadaha ee Gobalka Hiiraan islamarkaana ahaa sida la sheegay Ku-xigeenkii Gobalada Mudug, Gal-gaduud, iyo Shabeelada dhexe ayaa warar goor danbe la helay waxaa ay sheegayaan in uu ku gaariyooday Dagaal qaraar oo maalintii shalay ku dhaxmaray inta u dhaxeysa Deegaanada Garas-yaani iyo Nuur-fanax ee Gobalka Hiiraan Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
 
Aamin Barqadle Guure  (Aamin Daacad) ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalka sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Cumar Gaa-gaale oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, waxaana uu intaa ku daray in dagaalkii shalay dhinacooda ay uga dhinteen ilaa 9 ruux taa oo dhimashada ka dhigeysa ilaa 13 oo ay ku jiraan dad rayid ah.
 
Aamin Daacad oo mar ka tirsanaa Xoogaga Al-shabaab ayaa markii danbe la sheegay in uu u wareegay dhinaca Maxkamadaha, waxaana uu ku sugnaa Gobalka Hiiraan tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay Itoobiyaanku jabiyeen Awoodii Maxkamadaha Islaamiga, gaar ahaa waxaa uu saldhigiisu ahaa daafaha Degmada Buula-burte.
 
Dagaalkii dhaxmaray maalintii shalay Ciidamada Itoobiya iyo xoogaga ka soo horjeeda oo ahaa mid aan waxba leysku reeban labada dhinac ayaa waxaa qasaare uu ka soo gaaray dad  rayid ah oo u badnaa xoolo dhaqato soo Naq raacday roob aan sidaa u badneyn oo ka day dhulka dagaalku ka dhacay.
 
Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ka soo dhaqaaqeen goobihii uu dagaalku ka dhacay, waxaana warku uu intaa ku darayaa in Ciidamada Itoobiyaanku doonayaan fariisimo ay ka sameystaan daafaha Magaalada Beledweyne taa oo qal qal ku abuurtay inta badan dadka ku dhaqan gudaha Magaalada Beledweyne.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia