Khamiis, May 08, 2008(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeyn ay u jeedisay Amnesty International, taasi oo ahayd in Ciidamadeeda ay dembiyo dagaal ka geysteen Soomaaliya, isla markaana ay dad rayid ah qoorta ka jareen sida ariga la gowraco oo kale.
Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay Talaaladii aynu ka soo gudubnay waxay ku sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay dad rayid ah oo tiradooda gaareyso 21 ruux ay ku dileen Masjidka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa, halka ay xireen 40 ruux oo isugu jiray Caruur iyo Dhalinyaro da’dooda u dhaxeysay 9 sano ilaa 18 sano.
Haddaba warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu beeniyay eedeynta ay soo saartay Amnesty International, waxayna sheegtay Itoobiya in warbixinta ay soo saartay Amnesty ahayd mid sida ay tiri ay sameeyeen Kooxo Xiriir la leh Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee la dagaalama Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.
“Eedeyntani waa mid aan sax ahayn oo ay Amnesty ka soo xigatay kooxo xiriir la leh Al-Shabaab, waxaana caddeyneynaa in warbixintaas ay tahay mid aaney waxba ka jirin”ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa kale oo lagu sheegay in Amnesty aysan ka hadlin tacaddiyada ay geystaan kooxaha hubeysan ee dagaalka kala horjeeda Ciidamadooda iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaayna taasi ku tilmaantay mid aan xaq ahayn.
“In si ula kac ah loo dilo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan waa dembiyo dagaal, sidaas darteedna waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Itoobiya in ay si madax bannaan u baarto wixii ay Ciidamadeeda ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraal ay horay u soo saartay Amnesty International kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ciidamo Itoobiyaan ay rag Culumaa’udiin ah ku gowraceen Masjidka Al-Hidaaya ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, Amnesty waxay sidoo kale ku eedeysay Dowladda Itoobiya in ay caqabad ku tahay dib u heshiisiinta la doonayo in laga dhex furo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, taasi oo dadaalkeeda ay waddo Qaramada Midoobay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia