Ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kale degay Xeradii Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha

Cabirka Farta

Talaado, May 06, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa maanta waxay mar kale fariisin ka dhigteen Xeradii Maslax ee duleedka Suuuqa Xoolaha.

Ciidamadan oo wata Dhowr iyo Toban Gaari oo Ural ah ayaa waxay ka yimaadeen dhinaca degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo soo maray Degmada Balcad oo aysan wax badan joogin.

Ciidamadan ayaa markii ay soo gaareen Xeradii maslax waxaa deegaanada u dhow Xeradaas ka barakacay dad deganaa, kuwaasi oo halkaas ku soo noqday kadib markii ay ka guureen Ciidamadii hore ee Itoobiyaanka ahaa.

Xerada Maslax oo ku taala Duleedka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa horay uga guuray Ciidamo Itoobiyaan ah, kadib markii ay dhowr jeer weerarro ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Dadka ku dhaqan Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa haatan waxay dhexda uga jiraan labo Ciidan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo fariisin ku ku leh Xarunta Warshaddii baastada iyo Xeradii Maslax oo Waqooyiga iyo Koofurta ka kala xiga  Deegaanka Suuqa Xoolaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia