Talaado, May 06, 2008(HOL): Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dad ka careysan diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin iyo weliba Sicir bararka ku yimid raashinka quutul-daruuriga ah.
Banaanbaxyadan oo ka soo bilowday Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa la filayaa in ay ku fidaan degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sida shalay dhacday oo kale.
Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen banaanbaxyada maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho, inkastoo banaanbaxyadii shalay ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Dhanka kalena, Banaanbaxan ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gudaha Suuqa Bakaaraha lagu arkayo Ciidamada gaarka ah ee Suuqaas oo kormeeraya sida uu u dhaqangalay amar ay shalay soo saareen Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir, kaasi oo ahaa in la qaato lacagta duugowday ee kunka Shilin Soomaaliga, iyadoo ciddii diidana loo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Ciidamada Suuqa.
Sidoo kalena, banaanbaxan maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gudaha Suuqa Bakaaraha ay shir ku leeyihiin Midowga Ganacstada Gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiinka Muqdisho, iyadoo shirkaasina looga hadlayo Kacdoonka ay Shacabka ka sameynayaan diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga ah oo si xowli ah ku socota ayaa haddii ay sii socoto waxay su’aali ka taagan tahay sida ay noqon doonto nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo aan awoodin in ay helaan lacag aan duug ahayn, kuwaasi oo noloshooda ku tiirsan tahay wixii ay maalintaas soo helaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia