Talaado, May 06, 2008(HOL): Kooxaha ku kacsan Siyaasada Dowladda Federaalka dhawaana meesha ka saaray Maamulkii ka ariminayay Gobalka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay xalay iyaga oo ku hubeysan Qoryaha culus waxaa ay gaaf wareegayaan Gudaha Magaalada Beledweyne.
Wixii ka danbeeyay 12:00 Saq dhexe ee xalay waxaa ay Ciidamadu fariisimo ku meel gaar ah ka dhigteen labada Buundo ee Magaalada Beledweyne halka kuwa kalana iyaga oo lugeynaya roondo ku sameynayeen Xaafadaha Magaalada, taa oo keentay in dadka intiisa badan Su'aalo iska weydiiyaan waxa dhici kara iyo sababta keentay dhaq-dhaqaaqa Xoogaga ku kacsan Dowladda.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay gudaha Magaalada ay soo gaareen Mas'uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga Dib u xureynta Soomaaliya oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan, halka wararka qaarna ay sheegayaan in uu jiray tuhun kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ka qabeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Deegaanka Kala-beyr kuwaa laga cabsi qabo in ay si kadis ah u soo galaan Magaalada.
Inkastoo Magaalada Beledweyne aysan ku sugneyn Ciidamo ka tirsan kuwo Dowladda Federaalka ayaa hadana waxaan looga baran kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in ay ka sameeyaan Magaalada dhaq-dhaqaaqyo Malatari, lakiin mrka la eego saacadihii aynu soo dhaafnay xaalku waxaa uu ahaa mid ka duwan sidii hore.
Odayaasha iyo Wax-garadka qaarkood oo ay HOL wax ka weydiisay bal waxa ay ka og yihiin wararka sheegaya in Magaalada ay soo gaareen Mas'uuliyiin ka tirsan Isbaheysaga Dib u xoreynta waxaa ay sheegay in arimtaa aysan ka warqabin, lakiin ay og yihii jogitaanka qeybo ka tirsan Gobalka Rag ka socda Isbaheysiga, iyaga oo dhanka kalana ugu baaqay dhinacayada isku haya siyaasada in aysan qalalaaso ka kor ridin dadka rayidka ah ee nolasha la dagaalamaya.
hadal heytan soo baxeysa ayaa waxaa laga yabaa in miisaan culus u soo yeesho siyaasadii markii horeba cakirneyd ee Gobalka, waayo qaar ka mid ah Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan walina sheeganaya in ay iyaga ka Mas'uulyihiin Siyaasada Gobalka ayaa ku sugan goob u jirta Magaalada Beledweyne wax ka yar 35km, waana tan keentay in dadka shacabka ah wal wal ka muujiyo sida wax isku badali karaa xiliyada soo socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo xalay lagu arkay Gudaha Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Dowladda Federaalka iyo Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ku baaqay in la qaato lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kale degay Xeradii Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Dowladda Faransiiska warsaday Caawimaad Mileteri
- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in duqeyntii Dhuusa-mareeb ay digniin u tahay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda
- Banaanbaxyo rabshado wada oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid