Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Isgoyska Towfiid ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, May 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay weerar ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa marka la weerarayay waxay galbinayeen oo ay ilaalo ka hayeen Booyad Biyo u waday Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Xarunta Warshaddii Baastada, waxaana weerarka lagu qaaday ka horeeyay qarax Miinada dhulka lagu aaso loo adeegsaday, kaasi oo sababay in ay geeriyoodaan seddex askari oo Itoobiyaan ah, sidoo kalena uu burbur soo gaaro gaari ay la socdeen oo ahaa Mark II.

Qaraxaas ayaa markii uu dhacay waxaa ku xigay is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamadii Itoobiyaanka iyo weliba Kooxihii weerarka ku soo qaaday, waxayna is-rasaaseyntaas socotay muddo nus saac ah.

Qaraxaas iyo is-rasaaseynta daba socotay ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay isu socodkii dadka, gaadiidka iyo weliba ganacsigii ka socday nawaaxiga halka uu iska hor-imaadka ka dhacay, inkastoo labo saacadood kadib uu jawiga caadi ku soo noqday kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku kala noqdeen fariisimada Warshaddii Baastada iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax ka dhaco Isgoyska Towfiq ee Degmada Yaaqshiid, waxaana jiray dhowr jeer oo halkaas lagu weeraray Ciidamada Itoobiyaan ah oo isugu jiray kuwo howlgallo sameynayay iyo kuwo Wadada Warshadaha marayay.

Dhanka kalena, Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta isku rasaaseeyeen nawaaxiga Beerta Afisyooni ee Degmada Waaberi kadib markii mid ka mid ah Ciidamadaas ay damceen in ay dhac ka geystaan Xaafaddaas, lamana soo sheegin ilaa  iyo haatan wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada ciidan dhexmartay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia