Rag ku labisn Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo qaatay Gaari ay leedahay Idaacadda Somaliweyn

Cabirka Farta

Axad, May 04, 2008(HOL):Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay xoog ku kaxeysteen gaari ay leedahay Idaacadda Somaliweyn oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto Magaalada Muqdisho.

Cumar Shiikh Axmed Shaam oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda oo gaarigaas watay ayaa sheegay in xili uu socday Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ay ku soo baxeen seddex nin oo labo ka mid ah ay qabeen dharka Tuutaha ah ee ay qaataan Ciidamada Dowladda, halka midka kalena uu qabay dharka cagaaran ee ay qaataan Ciidamada ay Soomaalida u bixisay Maryo-Calasta.

Seddexdaas nin ayuu sheegay Cumar Shaam in ay gaariga ka dejiyeen isaga iyo labo nin oo la socday, kadibna ay la dhaqaaqeen, isagoo intaas ku daray in markii ugu dambeysay loo sheegay in gaarigaas oo ay Ciidamada wateen lagu arkay Isgoyska KM4, kadibna Afisyooni.

Mar wax laga weydiiyay  Cumar Shaam in ay Talisyada Ciidamada Dowladda arrintaas xiriir kala sameeyeen waxaa uu sheegay in ay la xiriireen, isla markaana loo sheegay in la raadinayo gaariga la qaatay.

“Wuxuu ahaa Gaari Caan ah oo la ogaa in ay leedahay Idaacadda Somaliweyn, welibana waan u sheegay in aan ahay Wariye ka tirsan Idaacadda Somaliweyn, balse dheg uma dhigin wixii aan u sheegay”ayuu yiri Wariye Cumar Shaam oo sheegay in uusan jirin wax jir-dil ah oo ay Ciidamadaas ku sameeyeen marka laga reebo in la kala tuur-tuuray.

Gaariga laga qaatay Idaacadda Somaliweyn ayaa wuxuu xiligaas waday Qalab Stationary ah oo Idaacadda loo waday, kaasi oo gaarigii lagu kaxeystay, iyadoo sidoo kalena gaariga lagu qaatay Taleefoon Mobile ah oo uu lahaa Wariye Cumar Shaam.

Ugu dambeyntiina, Maamulka Idaacadda Somaliweyn ayaa wuxuu ka codsaday Talisyada Ciidamada Dowladda Federaalka in ay dib ugu soo celiyaan gaarigaas oo howl muhiim ah u hayay Idaacadda, isla markaana tallaabo ka qaadaan Ciidamadii falkaas ku kacay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia