Axad, May 04, 2008(HOL): Guddoomiyaha masaafuriska uga maqan Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa wuxuu ka hadlay sida uu u arkayo maamul ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacawday Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in maamulkaas uu yahay mid aan sharci ahayn.
Yuusuf Dabageed waxaa uu sheegay in maamulka Gobolka Hiiraan ee uu guddoomiyaha ka yahay uu dhibaato badan soo maray, isla markaana mas’uuliyiin badan oo gobolka ka tirsanaa la dilay, kuwo kalena ay dhibaato ku soo gaartay howsha ay gobolka ka hayeen, sidaas darteedna aysan suurtagal ahayn in la yiraahdo maamul kale ayaa gobolka loo soo magacaabay iyadoo uu jiro maamulkii hore.
“Maamulka Gobolka Hiiraan waan u eedownay, dhibaatooyin kala duwan ayaana nagu soo gaaray iyadoo aaney jirin Dowlad nagu gacan siisay dagaalka aan kula jirno cadawga naga soo horjeeda, marka ma ahan in maamul kale dusheena laga keeno annaga oo shaqeyneyna”ayuu yiri Yuusuf Daba-geed.
“Maamulka uu Ra’iisal Wasaaraha u soo magacaabay Gobolka Hiiraan waxaa looga dan lahaa in lagu dhameeyo dadka wax-galka ah ee Gobolka, sababtoo ah waxaa la soo magacaabay iyadoo xubno ka tirsanaa maamulka aan guddoomiyaha ka ahay uu meydkooda bannaanka yaalo”ayuu mar kale yiri Yuusuf Daba-geed.
Yuusuf Dabageed oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uusan maamul u soo magacaabin Gobolka Shabeelaha Dhexe oo mas’uuliyiintiisii ay Muqdisho ku sugan yihiin, isagoo sheegay in ay taasi ay u arkayaan cadawnimo ah gaar ah oo uu Ra’iisal Wasaaraha u qabo dadka waxgalka ah ee Gobolka Hiiraan.
Dhanka kalena, Yuusuf Daba-geed waxaa uu si kulul u weeraray Guddoomiye ku xigeenka Degmada Beledweyne C/raxmaan Cilmi Buruki, kaasi oo uu ku eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, “C/raxmaan Buruki waa Muqaawamo, wuxuuna xiriir la leeyahay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, waxaana taasi daliil u ah in uu hadda ku sugan yahay magaalada Beledweyne iyadoo lagu dilayo dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia