Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya uu Mareykanka mas’uul ka yahay

Cabirka Farta

Sabti, May 03, 2008(HOL):  Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta wuxuu mar kale soo saaray Warsaxaafadeed uu uga hadlayay sicir bararka ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo uu ku saxiixnaa Ku simaha Guddoomiyaha Golahaas Maxamed Saalax Muudeey  ayaa wuxuu u dhignaa sidan:

Shir ay isugu yimaadeen Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha hawiye waxay canbaareyn kulul u jeedinayaan Dowlada Mareykanka duqeynta ay ku hayaan dalka Soomaaliya..

Dowladda maraykanka waxay duqeyn aysan u aaba yeelin ku qaadeen goobaha ay ka mid yihiin:-

Raas kaanbooni
Baar-gaalle
Dhoobleey
Dhuusa-mareeb

Taasoo ay ku garaaceen kalansar bam iyo hubka halista ah oo caalamka oo dhan mamnuuc ka ah, waxaana cadeyn u ah dadkii ku dhaawacmay iyo dadkii ku nolaa deegaanadaas duqaynta loo gaystay, kaasoo ka dhalatay Caafimaad daro oo ay ka mid yihiin indha la’aan, kor cun cun, haweenkii oo caruurta soo riday, shuban iyo matag. hadaba intaas goobood oo ay ku laayeen shacab Soomaaliyeed oo isugu jira caruur, waayeel, haween iyo xoolihii ay lahaayeen, kuwaasoo aan waxba galabsan, hayeeshee u muuqata xad gudub dhan ka ah bini’aadanimada.

Waxaa ayaan darro ah in beesha caalamka, gaara ahaan Jaamacada Carabta, Dowladaha Islaamka iyo kuwa xaquuqul Aadanaha ay ka aamuseen Xasuuqa Joogtada ah ay dowlada Mareykanka ay ka wado dalka Soomaaliya.

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye wuxuu Cadeynayaa Mushkilada ka jirta dalka Soomaaliya in ay Masuul ka tahay Dowlada Mareykanka, waxaana daliil u ah inuu hoggaamiyo kooxaydyo usoo adeegsaday shacabka Soomaaliyeed, intii ka hartayna uu ku dalbaday dowlada itoobiya, islamarkaana uu ku kalsoonaan waayay xasuuqa dowlada Itoobiya, islamarkaana uu adeegsadey diyaaradaha wax garaaca iyo Maraakiib ku sugan Badda, kuwaas oo dhibaato u gaystay Dad rayida ah ee Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii shacabka Mareykanka waxaan u cadeynaynaa in dowlada mareykanka ay leedahay Masuuliyada xasuuqa ka dhacaya dalka Soomaaliya ayna abuurtay Cadowtinimo u dhexeysa laba dal, sidaa darteed waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka in ay Soomaaliya u soo diraan qubara baarta oo aqoon u leh hubka halista ah noocyadiisa kala duwan si ay u ogaadaan dhibaatada uu gaystay hubka wax gumaada ee lagu garaacay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka
 iyo Midnimada Beelaha Hawiye
Maxamed Saalax Muudeey

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia