Sabti, May 03, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay dad ku dileen Deegaanka Dacaar oo ka tirsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadkan la dilay oo ahaa labo Nin oo Xoolo-dhaqato ah ayaa la sheegay in ay u yimaadeen kooxo hubeysan kadibna ay rasaas ku fureen, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababta ay kooxahaas hubeysan toogashada u geysteen.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Mahdaay ayaa waxay sheegayaan in Deegaanka Dacaar oo uu dilka ka dhacay uu dhawaan ka da’ay roob xooggan, kadibna ay isugu yimaadeen Dad Xoolo-dhaqato ah oo halkaas u soo naq-raacay, inkastoo aan la ogeyn in uu dilkaas salka ku hayo arrimo la xiriira dhulka ay Xoolo-dhaqatadaas soo wada degeen, kaasi oo ay biyo iyo cows uga heleen xoolahooda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo deegaanno ka tirsan Degmada Mahadaay Dad lagu dilo, waxaana jiray dad badan oo aano qabiil loogu dilay deegaano hoos-taga Degmadaas oo haatan ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee aan maamulka lahayn.
Ugu dambeyntiina, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa sii badanaya dilalka, dhaca iyo barakaca Dadka Soomaaliyeed, iyadoo dhibaatooyinkaasna ay salka ku hayeen nidaamkii iyo kala dambeyntii Soomaaliya oo meesha ka baxay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia