Dad ku dhaawacmay weerar lagu qaaday fariisin ay ku Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku leeyihiin Suuq Bacaad

Cabirka Farta

Sabti, May 03, 2008(HOL): Shan Ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxyo iyo rasaas daba socotay oo maanta ka dhacay Fariisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladad Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin  Deegaanka Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Shanta Ruux ee dhaawacantay ayaa waxay isugu jireen Dad Rayidka ah iyo Ciidamadii Dowladda ee fariisinkaas joogay, waxaana lagu soo waramayaa in dadkaas dhaawacmeen kadib markii ay Kooxo hubeysan Labo Bambo Gacmeed ku weerareen Fariisinkaas, kadibna ay Ciidamada Dowladda rasaas ku jawaabeen.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa sheegay in Kooxihii weerarkaas soo qaaday ay ahaayeen sida uu u yiri kuwo doonayay in ay carqaladeeyaan nabadgelyada Suuq Bacaad, wuxuuna caddeeyay in ay ku raad-joogaan kooxihii weerarkaas ku soo qaaday fariisinka Ciidamada Dowladda ee Suuqaas.

Markii ay shaqaaqadaas dhacday kadib ayaa waxaa hakad galay dhadhaqaaqii Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad oo ugu weyn Magaalada Muqdisho, inkastoo saacado kadib ay xaaladda caadi ku soo noqotay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay kooxo hubeysan weerar ku qaadaan fariisinka ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Suuq Bacaad, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo fariisinkaas lagu qaaday weerarro loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia