Khamiis, May 29, 2008(HOL: Dowladda Yemen ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay in ay sii waddo dadaalka ay ugu jirto dhameystirka Dib u heshiisiinta laga dhex wado dhinacyada isku haya Soomaaliya, si loogu guuleysto in la soo celiyo nabadeynta iyo xasiloonida Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Abu Bakar al-Qirbi ayaa maanta shaaca ka qaaday in wafdi ka socda Maxkamadaha Islaamka oo uu hoggaaminayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu magaalada Sanca u tegay si uu mas’uuliyiinta Dowladda Sanca uga warbixiyo horumar laga gaaray kulamo Dib u heshiisiin ah oo dhinacyada isku haya Soomaaliya loogu qabtay Dalka Jibouti.
Abuu Bakar al-Qirbi oo u waramayay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA waxaa uu farta ku fiiqay in Wufuuda ka socota Maxkamadaha Islaamka ay rajo ka muujiyeen wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay daneynayaan Nabad iyo Xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Abu Bakar al-Qirbi waxaa uu sheegay in uu kulan la qaatay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, isla markaana ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya iyo suurtagalnimada in ay wada hadal
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia