Khamiis, May 29, 2008(HOL): Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in dagaal ay shalay Ciidamadooda ku qaadeen Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley ay uga jawaabayeen tacaddiyo ay Ciidamada Dowladda ka geysteen Degmadaas.
“Dagaalka ay Ciidamada Maxkamadaha ku qaadeen Saldhiggaas wuxuu ahaa mid ay uga jawaabayeen Dad ay Ciidamada Daba-dhilif tacaddiyo ugu geysteen degmadaas, kuwaasi oo uu ku jiray Macallin Dugsi Qur’aan oo ay indhaha ka bixiyeen”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Waxaa uu sheegay C/raxiin Ciise Caddow in ay dagaalkaas dhowr askari uga dileen Ciidamada Dowladda, isla markaana ay maxaabiis ka sii daayeen Saldhigga Galbeed, isagoo xusay in uu dhinacooda hal dagaalyahan uga shahiiday dagaalka.
Laakin Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac ayaa wuxuu beeniyay sheegashada Maxkamadaha Islaamka ee ah in ay dileen Ciidamo Dowladda ka tirsan, wuxuuse sheegay in ay kaliya xoogagga Maxkamadaha muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley.
Inkastoo uu Afhayeenka Booliska sidaas leeyahay hadana Dad degan nawaaxiga Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley ayaa waxay sheegeen in dagaalkii shalay lagu qaaday saldhiggaas ay ku geeriyoodeen dhowr Askari, isla markaana la gubay gaadiid dhex yaalay Saldhiggaas.
Ugu dambeyntiina, Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa saaka waxya howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley, iyadoo howlgalladaasna lagu qabqabtay dad ku sugnaa Xaafadaas, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii ay Ciidamadaas la aadeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia