Khamiis, May 29, 2008(HOL: Shir ay maanta Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxay uga doodeen waxa ay Dowladda Federaalka qaban karto waqtiga u haray.
Shirkan oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayay Xubnaha Golaha Wasiirrada iskula soo qaadeen xaaladda uu dalka ku sugan yahay, gaar ahaan Ammaanka iyo Shirka Dib u heshiisiinta ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Shirkaas ayaa intii uu socday waxaa ka soo baxay go’aanno ay ka mid ahaayeen in maamul loo sameeyo Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, iyadoo Maamulladaasna ay noqonayaan kuwo ay soo doortaan Dadka Deegaanka, Dowladdana ay ka taageereyso kaliya Dhinaca Dhaqaalaha.
Go’aankan maamullada loogu sameynayo Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu dhawaan sheegay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan in dhamaan Gobollada Dalka Soomaaliya loo sameyn doono Gobollo ay Dadka degan soo doorteen, isagoo xusay in maamulladaas laga bilaabi doono Gobolka Banaadir.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqtiga jiritaankeeda oo ahaa Shan Sano waxaa uga harsan Sanad iyo Bilo ah, iyadoo waqtigeeda intiisa badanna ku soo qaadatay magaalooyin aan Caasimadda Soomaaliya ahayn iyo dagaallo ay la gashay Maxkamadihii Islaamka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda siyaasaddeeda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia