Isniin, May 26, 2008(HOL): Labo Nin oo qabay Dharka Rayidka balse la sheegay in ay ka kala tirsanaayeen maamulka iyo Ciidamada Booliska Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay kooxo hubeysan ku dileen Xaafadda Tabakaayo Madow ee Degmadaas.
Qof ka dhawaa halka dilka ka dhacay ayaa wuxuu HOL u sheegay in ay labadaas Nin toogteen Rag Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
Markii uu dilkaas dhacay kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo Boolis ah oo ka soo baxay Saldhigga Degmada Dharkeenley, kuwaasi oo howlgal ka sameeyay halkii uu dilka ka dhacay.
Dhanka kalena Deegaanka Xoosh oo isla Degmada Dharkeenley ka tirsan ayaa waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso, kaasi oo geystay dhaawaca Askari ka tirsan Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay.
Dilka iyo Qaraxa maanta ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo beryahan uu hagaagsanaa ammaanka Degmadaas oo mar sii horeysay uu ammaankeeda xumaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia