Isniin, May 26, 2008(HOL): Warar is-khilaafsan ayaa waxay ka soo baxayaan wax qarax u eg oo xalay ka dhacay Deegaan u dhaxeeya Degmooyinka Saakow iyo Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Dad ku sugan Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo aan xiriir la sameynay ayaa waxay qaarkood sheegayaan in wax qaraxooda ay maqleen ay ula ekaayeen madaafiic ay soo ganeen Diyaarado ama Maraakiib Mareykanka leeyahay, halka Dad kalena ay sheegayaan in waxa qaraxooda la maqlay uu ahaa Xiddig dhulka ku soo dhacay oo dadka ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka ay arkaan marka la gaaro Xilli Roobaadka Guga.
Dadka ku doodaya in waxa qaraxooda la maqlay ay madaafiic ahaayeen ayaa waxay sheegayaan in ay taasi ku sababeynayaan iyadoo qaraxaas kadib ay maqleen guux diyaaradeed oo aysan horay u maqleynin.
Xalay Salaaddii Cishaha kadib ayay dad badan oo ku dhaqan deegaanno hoos-yimaada Gobolka Jubbada Dhexe waxay arkeen hillaac weyn, iyadoo kadibna ay maqleen wax qarax u eg, kaasi oo aysan ilaa iyo haatan qarax ku tilmaami karin.
Ugu dambeyntiina, Deegaanka laga maqlay qaraxaas oo ah dhul aan wax is-gaarsiin ah lahayn, in ay ka soo waramaan Dad ka soo lugeeyay maahee ayaan ilaa iyo haatan wax war ah laga heynin Xaaladda Deegaankaas iyo waxa ay ahaayeen waxa dhawaqooda la maqlay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia