Isniin, May 26, 2008(HOL): Qeybo ka mid Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa laga helay Meydadka Seddex Ruux oo Rayid ah oo la sheegay in ay xalay toogteen Ciidamo Itoobiyaan oo wadadaas ku sugan.
Meydadka Seddexdani Ruux oo laga helay qeybo ka mid ah Wadada Maka Al-Mukarama ayaa lagu soo waramayaa in ay Ciidamada Itoobiyaanka toogteen iyagoo doonayay in ay gooyaan ama ka tallaabaan Wadada Maka Al-Mukarama.
Sidoo kalena, wararka naga soo gaaraya Wadadaas ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugan ay saaka nawaaxiga Hotelka Ambassador ka qabteen Seddex dhalinyaro ah oo ka yimid dhinaca Degmada Waaberi, isla markaana Wadada Maka Al-Mukarama uga sii tallaabayay dhinaca Degmada Hodan. Lama garanayo ilaa iyo hadda halkii ay Ciidamada Itoobiyaanka la aadeen raggaas.
Ciidamada Itoobiyaanka ayay xalay u ahayd markii ugu horeysay oo ay Wadadaas ku hoydaan, waxayna markii hore sameyn jireen in ay gelinka hore Wadadaas joogaan, galabtiina ay ka hoydaan, iyadoo taasina ay keentay in habeenkii Miino loogu aaso Wadadaas.
Dhowr jeer oo hore ayaa Miino Wadadaas loogu aasay Ciidamada Itoobiyaanka waxaa ka soo gaartay khasaare Dhimasho, Dhaawac iyo Burbur Gaadiid isugu jira, inkastoo ay jireen qaraxyo aan waxyeello ka soo gaarin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxay tahay Wadada ay inta badan isticmaalaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia