Axad, 25 May 2008 (HOL): Gaadiidlayda iyo qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee isaga goosha wadanka Jabuuti iyo Somaliland ayaa cabasho ka muujiyay Ciidamada ku sugan Kastamka Lowyacado.
Sida uu qoray Wargeyska Ogaal, Ilaa 50-gaadhi iyo rakaab ay sideen oo ka soo xagaa baxay Wadanka Jabuuti ayaa xalay fiidkii oodda laga soo qaaday ka dib markii ay ilaa shalay gelinkii danbe ku xanibnaayeen Magaalada Lowyacado ee xuduudka Somaliland iyo Jabuuti.
Qaar ka mid ah Gaadiidlayda iyo rakaabkan ayaa sheegay in culays lagaga dhigay lacag aanay qaadi karayn oo aanay xataa garanayn meel ay ka socoto. "Calaa madax (Qofkiiba) waxa la yidhi dadkii ha bixiyaan Labaatan doolar ($20), Loomana kala eegayo Muwaadin iyo Ajanabi. Berigii hore waxay ahayd labaatan kun oo SL/sh. Anagii gaadiidlayda ahayna waanu ku dhibanahay, oo ilaa 80 gaadhi ayaa isku soo gaadhay ilaa Galabta (Shalay gelinkii danbe)" Sidaa waxaa yidhi Cadnaan Xaaji Muuse
"Sidaanu lowyacado u nimi maanaan fadhiisan-ba, qof walba Labaatan doolar ayaa la yidhi keen, xageenu ka keenaa lacagta." Sidaa waxaa tidhi Aragsan Maxamed Liibaan oo ka mid dadka shalay saacadaha ku xanibnaa Lowyacado, waxaanay intaa ku dartay, oo ay sheegtay in markii danbe dadkii oo dhan la soo daayay. "imika Labaatan kun oo shilinka S/Land ah ayaa lanaga qaaday oo warqad ayaa lanoo jaray. Laakiin, waxaanu leenahay waa in dadka marka hore lala socod siiyaa oo wax la isla ogyahay laga qaadaa."
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland