Xaaladda Caafimad ee Guddoomiyaha Degmada Guriceel iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degmada Dhuusa-mareeb oo ka soo reyneysa

Axad, May 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay ka soo reyneyso Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha Degmadaas Cali Shiikh Maxamed iyo Nabaddoonno shalay lagu dhaawacay Degamada Dhuusa-mareeb.

Mid ka mid ah ehellada Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in xaaladda Guddoomiyaha iyo labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Xasan Cilmi Yaxye iyo Axmed Shiikh Daa’uud ay ka soo reyneyso, kadib markii ay ku dadaaleen dhaqaatiirta Isbitaalka Degmada Guriceel.

“Isbitaalka Guriceel waxaa ku sugan Guddoomiyaha iyo Nabaddoon Xasan Cilmi Yaxye, laakin Axmed Shiikh Daa’uud oo dhaawaciisa fududaa waxaa looga soo tegay Degmada Dhuusa-mareeb”ayuu yiri Xayir Ciise oo ka mid ah Ehellada Guddoomiyaha Degmada Guriceel.

Guddoomiyaha iyo Labada Nabaddoon ayaa waxaa shalay lagu dhaawacay Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah Gobolka Galgaduud, iyadoo xiliga la dhaawacayayna ay ka soo baxeen  Masjid ay ku soo tukadeen Salaaddii Casir. Lama oga ilaa iyo haatan sababta ay Rag Bastoolado ku hubeysnaa u dhaawaceen Guddoomiyaha iyo Odayaasha.

Falkan lagu dhaawacay Seddexdan mas’uul ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo ka hor Degmada Dhuusa-mareeb lagu dhaawacay Darawal kaxeynayay gaari u shaqeeya Hay’adda ICRC, kaasi oo ay isna rasaaseeyeen Kooxo hubeysan.

1-dii Bishan May ayay ahayd markii ay Degmada Dhuusa-mareeb ka dhacday duqeyn ay Ciidamada Mareykanka u geysteen, iyadoo duqeyntaasna ay ku geeriyoodeen Dad badan oo ay ku jireen Hoggaamiyayaal ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo kala ah Aadan Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia