Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo seddex Saacadood ah Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaa Xeradii Asluubta

Axad, May 25, 2008(HOL): Seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo seddex saacadood ah waxay Ciidamo Itoobiyaan ah ugu xirnaayeen Xeradii Asluubta.

Xildhibaanadan oo kala ah Ismaaciil Xasan Jaamac, Cali Cismaan Jidow iyo Cabdi Xaaji Yariis ayaa markii ay ciidamada Itoobiyaanka qabanayeen waxay ka baxeen magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac ayaa sheegay in  markii la qabanayay ay ahayd aroor hore oo saaka ah, isla markaana ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee qabtay ay ku xireen gudaha Xeradii Asluubta marka laga reebo isagoo oo diiday in uu galo qol lagu xiray Xildhibaannada kale.

“Waxay joojiyeen gaarigii aan wadanay, waxayna hub ka dhigis ku sameeyeen labo ilaalo ah oo nala socotay, kadibna waxay noo kaxeeyeen  gudaha Xerada Asluubta oo ah fariisin ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku leeyihiin”ayuu yiri Xildhibaan Ismaaciil oo sheegay in Ciidamada qabtay ay ka maqli waayeen in ay Xildhibaanno yihiin, sidoo kalena ay ka diideen aqoonsiyo ay tuseen.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay u sheegeen in aqoonsiga ay cid kasta sameysan karto, isla markaana aan lagu sii deyn karin aqoonsiga ay tuseen, “waxay na yiraahdeen waxaan idinku sii deyn karnaa amarka madaxdeena”ayuu mar kale Xildhibaan Xasan Jaamac.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray xariga Xildhibaannadaasna waxay sheegayaan in Xildhibaanadaas la sii daayay, isla markaana ay dib ugu noqdeen Magaalada Muqdisho, iyagoo hakiyay safarkii ay ku aadi lahaayeen Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia