Khamiis, May 22, 2008(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu wacad ku maray inuu dalka Soomaaliya ka saari doono Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan ku sugan.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo wacad ku maray in uu Ciidamada Itoobiya ka saarayo Soomaaliya
“Waxaan rabnaa in aan Ciidamada Itoobiya ka xoreyno Soomaaliya”ayuu ku yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys Wareysi lala yeeshay oo lagu soo daabacay Wargeyska ka soo baxa dalka Britain ee lagu magacaabo The Gaurdian.
Wuxuu ka hadlay Shiikh Xasan Daahir in ay guul-dareysanayaan oo aysan waxba ka soo baxeynin wada hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay oo ka dhacay Dalka Jabuuti, “Wada hadallada Jabuuti waa kuwo guul-dareysan doona haddii aanan marka hore dalka Soomaaliya laga saarin Ciidamada Itoobiyaanka”ayuuna yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in uusan UN-ka dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, sidaas darteedna aysan dooneyn in ay wada hadalladaas qaataan, “qorshaheena wuxuu yahay in aan halganka sii wadno, waana muhiim in aan cadawga ka xoreyno meelaha uu joogo ee dalka Soomaaliya ka tirsan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Mareykanka uu ku tuhmayo inuu xiriir la leeyahay Al-Qaacidda.
Hadalka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu Baarlamaanka Dalkiisa ka hor sheegay in uusan Ciidamada Itoobiya ka saari doonin Soomaaliya tan iyo inta ay ka baabi’inayaan Kooxaha jihaadiistayaasha, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia