Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo

Cabirka Farta

Khamiis, May 22, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta Baarlamaanka Soomaalida ee ADC-da.

Kooxaha weerarka soo qaaday iyo ilaalo ku sugneyd xarunta Baarlamaanka ayaa la sheegay in ay dhexmartay is-rasaaseyn socotay muddo 20 daqiiqo ah, iyadoo aan ilaa iyo haatanna la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseyntaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan in markii ay is-rasaaseynta qadar daqiiqado ah socotay ay u soo gurmaday ilaalada Xarunta ADC-da Ciidamo kale oo ka yimid dhinaca Madaxtooyada Baydhabo, iyadoo kadibna ay carareen Kooxihii weerarka soo qaaday.

Laakin Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa wuxuu sheegay in halka uu ka dhacay weerarka aysan ahayn Xarunta Baarlamaanka balse ay ahayd  meel u dhow, wuxuuna intaas ku daray in kooxihii weerarka soo qaaday ay iska caabin la kulmeen, kadibna ay dib isaga noqdeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan wuxuu ammaankeeda ahaa mid sii xumaanayay, waxaana ka dhacayay dilal, qaraxyo iyo weerarro, waxayna weeraradaasi dhacayaan iyadoo magaalada Baydhabo ay ku wada sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia