Khamiis, May 22, 2008(HOL): Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne oo shir Saxaafadeed ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa waxba kama jiraa ku sheegay sida uu hadalka u dhigay warar laga sii dayay qaar ka mid ah kaa oo lagu sheegay in kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada uu kaga dhawaaqay in uu Gobalka ku maamulayo Shareecada Islaamka.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne
Waxaa uu yiri " Annigu ma oran Shareecada Islaamka ayaa ku dhaqayaa Gobalka Hiiraan, gaar ahaa Xukunkii Al-shabaab oo kale, laakiin waxaa ka hadlay in Tastuurku qeexayo in shareecada Islaamku tahay saldhiga Maamulka Dowladda wixii ka soo harana aan raali laga aheyn.
Waxaan uu intaa raaciyay in Maamulkiisu waa faqsanaan doono Tastuurka Dowladda, islamarkaan uu ku talaabsan doonin wax aysan raali aheyn sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha iyo R/Iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah ayuu yiri kuwa saldhiga u ah hergalinta Tasuurka iyo Axdiga ku meel gaarka ah.
"Runtii Warbaahitu waa Xor, lakiin yeesan nagu qasbin in aynu dagaalano waayo u dul qaadan meyno in la fidiyo warar aan jirin, sidaa daraadeed waa in warka sida uu yahay loo sheego ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay Socdaalo maalmihii aynu soo dhaafnay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ay ku marayeen Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta iyo Maxkamadaha Islaamiga, gaar ahaan Maamulo la sheegay in Xubnahaasi ka dhiseen Degmooyinka Buula-brute iyo Jalalaqsi.
Waxaa uu ugu baaaqay Col. Cumar Xaashi Aadan in uu faraha kala baxo Siyaasada Gobalka, waxaana uu dhinaca kale carabka ku dhuftay in uusan jiri kari Col. Cumar Xaanshi iyo xubnaha la socda Maamul ay ka sameyaan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
Kulan dhawaan dhaxmaray Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Ganacsatada Gobalka ayuu ka sheegay Gudoomiyuhu in Maamulkiisu ku dhaqmi doono shareecada Islaamka, maadama ayuu yiri ayu nahay dad Islaam ah, lakiin lama oga sababata keentay beenintan danbe ee ka soo yeertay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan.om
[email protected]
Beledweyn, Somalia
MAX'ED AXMED DHAGAWEYNE:- Annigu ma oran Shareecada Islaamka ayaa ku dhaqayaa Gobalka Hiiraan ee warbaahinta ayaa sidaas u tarjuntay”
Cabirka Farta
More News
- Kooxo hubeysan oo markii ugu horeysay weerar ku qaaday fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xeradii Asluubta
- Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka saarayaan Soomaaliya, Shirka Jabuuti-na aysan waxba ka soo baxeynin
- Ammaanka Magaalada Baydhabo oo aad loo adkeeyay wufuud Caalami ah oo maanta imaaneysa aawgeed
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kale qarax lagula beegsaday Wadada Maka Al-Mukarama
- Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo