Arbaco, May 21, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay af-duubteen samafalayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira, kuwaasi oo in muddo ah ka shaqeynayay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Samafalayaashan oo u shaqeynayay Hay’ad Talyaani ah oo lagu magacaabo CINS ayaa waxay magacyadooda kala yihiin C/raxmaan Yuusuf Maxamed Caraaye oo la sheegay in uu madax ka yahay Hay’adda iyo Nin iyo Naag dhalashooda Talyaani tahay oo lagu kala magacaabo Guiliano iyo Iolanda, kuwaasi oo ku howlanaa barnaamijyo ku saabsan horumarinta Beeraha.
Kooxaha Af-duubka geystay oo watay labo gaari ayaa la sheegay in ay Samafalayaasha ka kaxeysteen Hotel Galgaduud lagu magacaabo oo ku yaala Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha, waxaana la sheegay in markii samafalayaasha la qafaalanayay ay jiifeen, iyadoo ilaaladoodiina ay ka itaal roonaadeen kooxihii af-duubka geystay.
Ilaa iyo haatan lama garanayo halkii ay kooxahaas af-duubka geystay la aadeen samafalayaasha, waxaase ku raad-jooga Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose, waa sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, isla markaana uu Dalka noqday mid fowdo ah ayaa waxaa soo badanayay af-duubka iyo dilalka loo geysto Samafalayaasha Soomaaliya u yimaada in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta Dadka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia