Arbaco, May 21, 2008(HOL): Ciidamada Dowladda Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa fariisin cusub ka dhigtay Saldhiga Baliiska Magaalada Beledweyne iyaga oo ka soo guuray Saldhigoodii hore ee Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan.
Ciidamada oo wata dhamaan qalabkoodii Malatari ayaa saakay lagu dhaxarkayay gudaha Magaalada iyaga oo taagan Is-gooys walba si markaa ay ula socdaa dhaq-dhaqaaqa dadka inta Ciidamadu ka Saldhiganayaan fariisinkooda cusub ee Saldhiga Baliiska.
Taliyaha qeybta Baliiska Gobalka Hiiraan Col. Xuseen Shugri Axmed oo ay HOL wax ka weydiisay waxa keenay in Ciidamadu ka soo guuraan Saldhigoodii hore ee Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin dheeraad ah bixiyo, lakiin warara soo baxaya ayaa sheegaya Maamulka cusub dalbaday in Ciidamadu baneeyaan Xafiisyada Xarunta Maamulka si markaa ay u bilaabaan howlahoodii shaqo.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ka deyrinayay amaanka Magaalada ayaa saakay markii ay arkeen Ciidamada Itoobiya oo qalabkooda ka xir xiranaya xarunta Maamulka Gobalka waxaa ay muujiyeen farxad, lakiin xaalku waxaa uu ku xumaaday hadana markii ay idhahoodu qabteen Ciidamada oo buux-dhaafinaya Saldhiga Baliiska oo ku yaala bartamaha Magaalada.
Dhinaca kale kulan ay ku yeesheen Hotel Galbeed ee Magaalada Beledweyne Xubnaha Maamulka Cusub iyo Ganacsatada Gobalka ayaa waxaa lagaga wada hadlay sugida Nabad-galyada Gobalka Hiiraan iyo waliba sidii ay is kula jaan qaadi lahaayeen Ganacsatada iyo Maamulka Cusub.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ee dhawaan Dowladdu soo magacaawday Max'ed Axmed Max'ed (Dhagaweyne) oo ka hadlay kulanka ayaa ka dhawaajiyay in Maamulkii wax ku xukumi doono shareecada Islaamka taasoo aan inta badan looga baran mas'uuliyiintii ka horeysay, waxaana uu intaa raaciyay in hadafka ugu weyn ee uu higsanayo yahay sidii uu wada hadal ula furi lahaa kooxaha kacdoonka wada ee ku sugan gudaha Gobalka Hiiraan.
Sikastaba kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa ugu danbeytii laysku afgartay in la dar dar galiyo arinta ku saabsan sugida Nabad-galyada, maadaama saacadihii ugu danbeeyay dadka ku dhaqan Magaalada ay muujinayeen cabsi la xiriirta wax ka dhalan kara joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin cusub ka dhigtay Saldhigga Booliska Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Ra’iisal Wasaare Itoobiya oo mar kale ku celiyay in uusan Ciidamadiisa kala baxeynin Soomaaliya
- Ganacsatada uu u raran yahay Markabka Victoria oo dadaal ugu jira sidii Markabkaas loo sii deyn lahaa
- Kooxo hubeysan oo xalay af-duubtay Samafalayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jiray
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisin ka sameystay meel dhowr jeer lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah
- Nin Rayid ah oo lagu dilay Degmada Madiina
- Xaaladda Magaalada Baydhabo iyo Deegaanka Siinka dheer oo maanta degan kadib shaqaaqooyin shalay ka dhacay