Arbaco, May 21, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la dejiyay Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, kadib markii halkaas lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay.
Ciidamadan Soomaalida ah oo ah kuwo lagu soo tababaray dalka Itoobiya ayaa waxay fariisinkaas degeen xalay, waxaana saaka lagu arkayo Isgoyska Towfiiq iyo nawaaxigiisa oo iyagoo si teel teel ah u taagan hareeraha Wadada laamiga ah.
Dhowr jeer oo hore ayaa halka ay Ciidamada fariisimada ka sameysteen waxaa lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo isugu jiray kuwo sahay gudubsanayay iyo kuwo lugeynayay, iyadoo weerarradaasna ay ahaayeen kuwo ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamada Itoobiyaanka.
Fariisinka la dejiyay Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa labo fariisin oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku leeyihiin Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xarunta Warshaddii Baastada, kuwaasi oo ay mar kasta weerarro ku qaadaan Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Wadada Warshadaha iyo Wadada 30-ka ayaa waxay yihiin kuwo ay inta badan ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna Waddooyinkaas noqdeen kuwo cidlo ah oo aaney dadka iyo gaadiidkaba isticmaalin sabab la xiriirta iyadoo xaafadaha ku teedsan Waddooyinkaas ay inta badan ka barakaceen dadkii deganaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia