Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudullood oo sheegay in Mooshin Suuq madow ah laga diyaarinayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Cabirka Farta

Sabti, May 17, 2008(HOL): Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudullood oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka hadleen Mooshin ay wadaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Afhayeenka Odayaasha kulanka yeeshay oo lagu magacaabo Cumar Ibraahim Cosobow ayaa sheegay in ay mooshinkaas u arkayaan mid aan sax ahayn, isla markaana sida uu hadalka u yiri  lagu dulminayo Beesha Hawiye ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka soo jeedo.

“Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi ayay sidoo kale mooshin uga keeneen, wuuna isu casilay, hadana waxay wadaan mooshin kale oo ka dhan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde”ayuu yiri Cumar Ibraahim Cosobow oo sheegay in mooshinkaas ay u arkayaan mid suuq madow ah.

Cumar Ibraahim Cosobow oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde mudada yar ee uu magacaaban yahay uu wax badan qabtay, isla markaana uusan lahayn wax mooshin looga geeyo.

“Xildhibaannada Mooshinka wada maxay qabteen iyagu muddo afar sanadood ah oo ay jireen oo aan ka ahayn in ay Baydhabo iska fadhiyaan, haddii ay run sheegayaan maxay u imaan waayeen Magaalada Muqdisho oo dhibaatooyin badan ay ka jiraan”ayuu yiri Cumar Ibraahim Cosobow oo intaas ku sii daray in aan xitaa sanad dhiman wax lagu qaban karin.

Wuxuu sheegay Afhayeenka Odayaasha Beesha Mudullood inay taageerayaan oo ay soo dhaweynayaan in xalka mushkilladda Soomaaliya loo maro wada hadal iyo dib u heshiisiin iyo in la baadi-doono dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Hadalka Odayaashan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu hadal midkan la mid ah uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo sheegay in Xildhibaannada Mooshinka ka diyaarinaya Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay yihiin kuwo aan nabad rabin oo markii uu Ra’iisal Wasaaraha nabad soo hadal qaaday mooshin ka diyaarinaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia