Sabti, May 17, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay gudaha magaaladaas lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Mad Janaaw ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka ee Degmada Qansax Dheere, waxaana la sheegay in ay toogteen Rag Bastoolado ku hubeysan.
Dilka Sarkaalkan ayaa markii uu dhacay waxaa goobta gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo meydka meesha ka qaaday, rasaasna ku kala ceyriyay dadka goobta ka dhawaa, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto raggii dilka geystay.
Ma ahan sarkaalkii ugu horeeyay oo lagu dilo magaalada Baydhabo, waxaana horay magaaladaas loogu dilay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba askar isugu jirtay Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo ay toogteen rag bastoolado hubeysan.
Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa wuxuu muddooyinkan ammaankeeda ahaa mid faraha ka sii baxaya, mana jirto ilaa iyo haatan tallaabo uu amni darrada jirta ka qaaday maamul dhawaan loo magacaabay Gobolka Bay, kaasi oo ay mas’uuliyiintiisa ballanqaadeen markii la dooranayay in ay wax badan ka bedeli doonaan amni darrada ka jirta Gobolka Bay, gaar ahaan Magaalo madaxdiisa Baydhabo.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ayaa waxay weli fariisin KMG ah u tahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo magaaladaas u guuray 26-kii Febraayo 2005, waxaana sidoo kale ku yaala xafiisyada Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia