Sabti, May 17, 2008(HOL): Maamulka loo soo dhisay Gobalka Hiiraan wali kuma uusan guuleysay sameynta Ciidamo gaar ah oo ilaaliya Nabad-galyada guud ee Gobalka Hiiraan , sidaa daraadeed waxaa ay Ciidamada Itoobiyaanku hada qorysheynayaan dhismaha Ciidamo kala wareega sugida Nabad-galyada Gobalka mar hadii xubnaha Maamulka cusub ay soo gaareen Magaalada Beledweyne.
Kulan si gaar ah u dhaxmaray Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne iyo xubnaha dhawaan la soo magacaabay Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa waxaa looga wada hadlay arimo u badan sidii dib loogu soo celin lahaa Ciidamadii Maamulka Gobalka kuwaa oo bur buray markii uu meesha ka baxay Maamulkii kan ka horeeyay.
Saraakiishu waxaa ay sheegeen in ay qasab tahay in uu ka fikiro gudoomiyaha cusub hanashada amaanka Gobalka iyo waliba ka hortaga kuwa caqabada ku ah Nabad-galyada, iyaga oo intaa raaciyay in Ciidamada Itoobiya ee hada jooga gudaha Magaalada dhawaan dib ugu laaban doonaan dhinaca Deegaanka Jante-kuundisho.
Warar Xog-ogaal ah oo soo baxaya ayaa dhinaca kale sheegaya in muran uu ka taagan yahay hub dhawaan Ciidamada Itoobiya ka wareejiyeen Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Odayaal iyo Wax-garad ku dhaqan Gobalka ugu baaqeen Ciidamada Itoobiya in aysan ku wareejin hubka ay hayaan Maamulka Dowladdu soo dhistay maadaama sida ay hadalka u dhigeen Odayaashu hubkaasi yahay mid qabiil, lakiin Ciidamada Itoobiya ayaa dhinacooda sheegay in asyan wax shaqo ah ku laheyn arintaa oo ay u taalo Dowladda Federaalka.
Saacadihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa la oran karaa waxaa jiray jahwareer ku aadan sidii Maaamulka cusub loogu madaxbanaaneyn lahaa howlaha loo soo xilsaaray, waayo ma jiraan Ciidamo gaar ah oo u dhisan, sidoo kale xitaa Maamulka cusub ma'heysto hub ku filan si markaa horay loogu sii dhaqaajiyo arimaha Nabad-galyada, taasoo keentay in dadku su'aalo iska weydiiyo waxa u qabsoomi kara Maamulka hada jira.
Waxaase marka arimaha dhinac kale laga eego hubaal ah in Itoobiyaaku ku dadaalayo sidii meesha looga saari lahaa maamul la'aanta in mudo ah ka jirta Gobalka, taasoo ah mid laga dheehan karo kulamada aan kala go'a laheyn ee u dhaxeeya iyaga Xubnaha soo gaaray Magaalada oo aan wali si rasmi ah ula wareegin Mas'uuliyadii Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Saraakiil Itoobiyaan ah oo kala hadlay Maamulka Cusub ee Gobolka Hiiraan habka loo sugayo Nabad-galyada Gobalka
Cabirka Farta
More News
- Yuusuf Daba-geed oo sheegay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ku jira Xukuumaddiisa ay uga hiiliyeen Kooxaha Muqaawamada
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo qaarkood diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, halka kuwo kalena ay ka soo horjeedaan
- Markab u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed oo maanta laga qafaashay meel 60 Mile u jirta Dekedda Muqdisho
- Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Jilib
- Dagaal ka dhacay Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho
- Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudullood oo sheegay in Mooshin Suuq madow ah laga diyaarinayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka oo xalay Baydhabo lagu dilay