Jimco, May 16, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu meel mariyay Qaraar ay horay ugu soo gudbisay Dowladda Britain, kaasi oo ku saabsan Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Nairobi ku yaala loo raro Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidoo kalena Ciidamo UN-ka ka socda loo diro Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo meel-mariyay Qaraar ku saabsan Soomaalia
Iyadoo Golaha Ammaanka uu meel mariyay qaraarkaas ayaa hadana Goluhu wuxuu muujiyay in ay dhibaato yeelaneyso in dal aan 17 sano lahayn sharci iyo kala dambeyn loo diro Ciidamo ka socda UN-ka, kuwaasi oo bedeli doona Ciidamada Amisom ee hataan ku sugan magaalada Muqdisho.
Meel-marinta qaraarkan wuxuu si weyn uga farxiyay Ergayga Dowladda Koofur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Dumisani Kumalo, kaasi oo indhawaalaba si weyn ugu ololeynayay sidii dhibaatada ka taagan Soomaaliya wax looga qaban lahaa, “aad baan u faraxsanahay, waxaana dul joogaa Dayaxa dushiisa”ayuu yiri Danjire Dumisani Kumalo oo intaas ku sii daray in haddii xal siyaasadeed loo helo Soomaaliya, la heli doono xalka ammaanka.
Guddoomiyaha xiligan ee Golaha Ammaanka oo ah Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Qaramada Midoobay John Sawers ayaa isna sheegay in qaraarkan la meel mariyay uu yahay tallaab wanaagsan oo horay loo qaaday, isagoo sheegay in uu taageerayo, isla markaana uu sii ballaarinayo dadaalka uu UN-ka ku garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraarkan uu meel mariyay Golaha Ammaanka ayaa wuxuu ugu baaqay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon in uu sii qorsheeyo suurtagalnimada in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Golaha Ammaanka wuxuu ugu baaqay Dalalka Caalamka inay Dhaqaale iyo Qalab ku taageeraan Ciidamada Amisom ee haatan ka howlgelaya Soomaaliya, kuwaasi oo la filayay inay tiradooda gaarto 8,000 oo Askari balse haatan laga hayo kaliya 2,600 Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda iyo Burundi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia