Jimco, May 16, 2008(HOL): Waxaa Maalintii shalay Galinkii danbe soo gaaray Magaalada Beledweyne Xubno ka tirsan Maamulka Dowladda Federaalka dhawaan u Magacaawday Gobalka Hiiraan kuwaa oo uu horkacayo Gudoomiyaha Cusub Max'ed Axmed Max'ed (Dhagaweyne).
Ka hor inta aysan soo gaaray Magaalada Xubnaha Maamulka Cusub waxaa siweyn amaanka u adkeeyay Ciidamada Itoobiya oo saacdo kooban xayiray isku socda dadka iyo gadiidka meelaha qaar, halka dhamaan Is-goosyadana la dhigay qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysan.
Gudoomiyaha iyo Xubnaha la socda ayaa saakay u anba baxay dhinaca Deegaanka Jante-kuundisho halkaa oo wada hadalo ay ku lee yihiin Saraakiil ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya, waxaana warar hoose oo ay heshay HOL sheegayaan in wada hadalka intiisa badan ku saabsan yahay qaabka xil wareejinta iyo waliba sida laga yeelayo hub dhawaan laga wareejiyay Gudoomiyihii hore ee GobalkaYuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Lama oga xilliga rasimiga ah ee xil wareejintu dhici doonto, waxaana soo gaaray Magaalada Beledweyne inta badan xubnihii ka tirsanaa Maamulkii hore kuwaa oo laga yaabo in ay la sii shaqeeyaan Maamulka la soo dhisay, mar hadii xubno badan oo ka tirsanaa Maamulkan cusub iska diideen xilalkii loo soo magacaabay.
Dhinaca kale kulan dhaxmaray Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa looga wada hadlay arimo la xiriira Nabad-galyada iyo sidii dibada loogu saari lahaa Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ka dhigtay gudaha Magaalada.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in ay u joogaan Magaalada sidii ay u sugi lahaayeen Nabad-galyada Booyada Biyaha u dhaamisa Ciidamada, iyaga oo intaa ku daray in ay dibada uga baxayaan oo kaliya marka la damaanad qaado Nabad-galyada Booyada Biyaha u dhaamisa.
Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ah ka mid ahaa Odayshii ka qeyb-galay kulanka ayaa sheegay in soo jeedinta Sarkiishu tahay mid aad u adag, lakiin waxaa uu intaa ku daray in ay xooga saari doonaan sidii ay ugu qancin la haayeen dhinaca Ciidamada Itoobiya in ay isga guuraan gudaha Magaalada, isaga oo ka codsaday shacabka in ay joojiyaan barkaca.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia