Mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Jabuuti soo gaaray

Jimco, May 16, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas gaareen mas’uuliyiinta ugu sareysa Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee kala Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Labadan mas’uul ayaa socdaalkooda Jibouti wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo beryahan ay Dalka Jibouti ka socdeen Wada Hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay oo xal loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, isla markaana ay ka qeybgalka wada hadalladaas ku kala aragti duwanaadeen Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Lama oga ilaa iyo haatan ujeedada ka dambeysa socdaalka ay mas’uuliyiinta Isbaheysiga ku tageen Dalka Jibouti, inkastoo ay dhici karto inay Qaramada Midoobay ugu yeertay in ay wax kala socdaan waxyaabaha lagu gaaray wada hadalladii beryahan socday iyo waxa ku xigi doona Wada hadalladan.

Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee wada hadallada u joogay Dalka Jibouti ayaa waxay sheegeen in ay Qaramada midoobay kala hadleen sidii Ciidamada Itoobiyaanka looga saari lahaa Dalka Soomaaliya, kadibna loo keeni lahaa Ciidamo ka socda UN-ka oo ka qeybqaata soo celinta xasiloonidii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, inkastoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn go’aanka ay Qaramada Midoobay arrintaas ka qaadatay.

Sidoo kalena waxaa xusid mudan in aysan Dalka Jibouti ka dhicin wada hadallo si fool ka fool ah u dhexmaray ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, marka laga reebo inay u kala dab qaadeysay Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyntiina, maanta ayaa lagu wadaa in ay wufuuda Qaramada Midoobay iyo kuwa Soomaalida ay Dalka Jabuuti ka amba baxaan, iyagoo ku kala laaban doona meelihii ay ka kala yimaadeen, iyadoo ka hor inta aysan halkaas ka dhoofinna la filayo in ay soo saaraan warbixin gunaanad u ah shirarkii beryahan socday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia