Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo u muuqda in uu ku kala jabay Wada Hadallada Jabuuti

Cabirka Farta

Ergooyinkii Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Jabuuti ku kala tegaya iyagoo aan si toos ah isu hor-fariisan

Khamiis, May 15, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa in uu ku kala jabay wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay ee lagu dhexdhexaadinayo Ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Iyadoo ay Jabuuti ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana wada hadallo la lahaa Qaramada Midoobay ayaa hadana waxaa maalmahan la maqlayay mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga oo sheegaya in xubnaha shirkaas ka qeybgelaya ay yihiin kuwo meesha ku tegay go’aan aan la isku raacin.

Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha iyo Daba-galka Dembiyada Marwo Fowsiyo Maxamed Shiikh ayaa Laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da waxay u sheegtay in xubnaha wada hadallada u tegay Jabuuti ay jebiyeen Axdiga u degsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxayna sheegtay in sharci darro ku fadhiisteen shirkaas.

“Halkan waxaa noogu yimid Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif markii uu ka soo laabtay socdaalkii uu ku tegay Nairobi ee uu Beesha Caalamka ku soo arkay, wuxuuna guddiga fulinta u gudbiyay warbixin ku saabsaneyd waxyaabihii uu la soo kulmay iyo weliba in 10-ka May 2007 laga doonayo Isbaheysiga in  uu shir u tago Dalka Jabuuti, markaas inta badan xubnaha Guddiga Fulinta waxay isku raaceen in arrinta shirka la hakiyo ilaa 21-ka bishan, iyadoo arrinta ay meeshaas mareyso ayay xubnahan  Jabuuti tageen”ayay tiri Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ku cel celisay in aaney xubnahaas go’aan loo dhan yahay ku tegin Wada hadallada Jabuuti.

“Annaga Wada hadal ma diidanin, laakin waxaan rabnaa in ay wax kasta noqdaan wax sharci ku fadhiya oo la isku ogyahay, Axdi la jebiyo waxaan uga soo tagnay C/llaahi Yuusuf iyo Dowladdiisa”ayay mar kale tiri Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ka gaabsatay in ay sheegto in uu kala jabay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Sidoo kalena waxaa wada hadallada Jabuuti kuwo aan wax ka soo baxeynin ku tilmaamay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo waqti dhumis ah oo aaney ka soo baxeynin wax la taaban karo oo dan u ah Umadda Soomaaliyeed.

“Wax ay Labo iyo Seddex qofood ku heshiiyeen kadib wada hadallo waqti kooban socday xal uma noqon karaan mushkiladda Soomaaliya, waana waqti dhumis”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ugu baaqay xubnaha wada hadallada u tegay Jabuuti in ay dib ugu soo noqdaan xarunta Isbaheysiga, si looga wada hadlo arrimaha jira.

Shiikh Xasan Daahir wuxuu ka hadlay sida ay ku guuleysan karaan wada hadallo loo qabto Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay taasi imaan karto marka ay Itoobiya ka baxdo Soomaalida, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed fursad u helaan in ay ku raaxeystaan xornimo iyo cadaalad.

“Xalka Soomaaliya waa sahlan yahay, waxaa baxeysa Itoobiya, kadib marka aan xornimo helnana waxaan qabsaneynaa shir dib u heshiisiineed”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Horay waxaa wada hadallada Jibouti uga soo horjeestay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay la fariistaan Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan Soomaaliya.

Waxaa isna sidoo kale laalay wada hadalladaas Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo  sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo lagu dhabar-jebinayo sida uu u yiri halganka hubeysan ee ka socda gudaha Soomaaliya, isagoo weliba xubnaha Isbaheysiga uga qeybgelaya Wada hadallada Jibouti-na ugu baaqay in ay halkaas isaga tagaan.

Hadallada ay jeediyeen mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka dhan ah Wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay ee Jabuuti ka socda ayaa waxay muujinayaan in xubnaha Isbaheysiga ay ku kala jabeen wada hadalladaas, inkastoo aanu weli jirin mas’uul sheegay in uu kala jab jiro.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti waxaa haatan ku wada sugan Ergooyinkii ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan yeelan wada hadallo fool-ka-fool ah marka laga reebo in ay u kala dab-qaadeen diblumaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay. Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay wufuudda labada dhinac ka kala tagaan Magaalada Djibouti iyagoo aan yeelan wada hadallo toos ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia