Khamiis, May 15, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa saaka waxay howlagallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gaari Ural ah saaran
Ciidamadan ayaa oo ka soo baxay fariisimada ay ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay howlgallo ka sameeyeen Xaafadaha Juungal iyo Yaaqshiid ee Degmada Yaaqshiid, iyagoo baaritaanno ku sameynayay guryaha halkaas ku yaala.
Howlgalkan ay Ciidamada Itoobiyaanka sameynayaan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo shalay iyo xalay weerar lagu qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo kuwo ay marayeen nawaaxiga Isgoyska Towfiiq, halka kuwo kalena ay fariisin ku leeyihiin agagaarka Hotelkii Towfiiq.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa mar kasta oo la weeraro waxay sameeyaan howlgallo ay ku raadinayaan kooxaha weerar ku soo qaada, inkastoo ilaa iyo haatan aysan ku guuleysan in ay kooxahaas gacanta ku soo dhigaan.
Dad dhowr ah oo ku sugnaa Xaafadaha Towfiiq iyo Juungal ayay saaka qab qabteen Ciidamada Itoobiyaanka, inkastoo markii ay cabaar hayeen oo ay su’aalo weydiiyeen ay iska daayeen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Itoobiyaanka howlgallo ka sameeyaan Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna howlgalladaas yimaadaan mar kasta oo weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku yaala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia