
Khamiis, May 15, 2008(HOL): Urur-siyaasadeedka Qaran, ayaa manta ka hadlay aragtidooda ku wajahan Xaaladda siyaasadeed ee ay Somaliland marayso. Isla markaana waxay dhammaan Axsaabta Mucaaradka ah ku tilmaameen kuwo waqtigoodii Xisbinimo dhaceen, oo aanay u aqoonsanayn Axsaab dhab ah.
Guddiga fulinta ee Ururkan Qaran, ayaa shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xafiiskooda Hargeysa, waxay ku sheegeen in Axsaabta Qaranku ay hadda yihiin kuwo waqtigoodu dhacay, maadaama ay dhammaatay muddadii shanta Sanno ahayd ee ay sharciyadda jiritaanka u haysteen. “Madaxweynaha oo kaliya ma dhicin waqtigiisu, hase ahaatee Axsaabta Qaranka laf ahaantooda waqtigu wuu ka dhacay. “ Sidaa waxaa yidhi Cali Ducaale Faarax oo ka mid ah Hoggaanka Ururka. Mar la waydiiyay inay taa uga jeedaan, inaanay aqoonsanayn Xisbinimada Axsaabta, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Uma aqoonsanin Axsaab, ee waxaanu u aqoonsanahay Axsaab ku meel gaadh ah, lana tartamaysa Ururada”.
Masuuliyiintan Ururka Qaran, oo qoraal ka hor akhriyay Saxaafadda, ayaa ku eedeeyay Golaha Guurtida Somaliland inay fad-qalo ka abuureen heshiis ay gaadheen saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku. “Waxa nasiib-darro ah in Guurtidii loo abuuray inay maareeyaan khilaafaadka oogma ee siyaasaddeed ama Beeleed ay fad-qaleeyaan heshiis ay isla garteen saddexdii Xisbi qaran, Komishankii Doorashooyinka iyo Beeshii Caalamka ee Somaliland ka caawinaysay doorashooyinka” ayay ku yidhaahdeen qoraalkoodaa. Waxaanay iyaga oo ka hadlaya joojintii ay Ha’yadda deeqda bixiyaa joojiyeen maalgelintii diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Somaliland, ay yidhaahdeen. “Ficilkoodu (Guurtida) durba waxay Somaliland dhaxalsiisay inay seejiyaan 8-Milyan oo Dollar oo ay Deeq-bixiyayaashu ku talo galeen inay ku maalgeliyaan diiwaangelinta”
Ugu dambayntii waxay soo jeediyeen Masuuliyiinta Qaran 7 qodob, oo ay ka mid ahaayeen;
-In Xukuumaddu ogolaato diiwaangelinta Ururada.
-In heshiis wada-jir ah laga gaadho in marka Muddada Madaxweynuhu dhammaato aan wax korodhsiimo ah loogu darin.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland