Ciidamo Itoobiyaan ah oo Wadaado Tabliiq ka qabtay Magaalada Beledweyne, kadibna sii daayay

Cabirka Farta

Talaado, May 13, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u soo galay Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa waxay maanta halkaas ka kaxeysteen Wadaado Tabliiq ah.

Wadaadada ay kaxeysteen Ciidamada Itoobiyaanka oo tiradooda gaareysay 21 Ruux ayaa la geeyay fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Deegaanka Janta-Kuundisho ee duleedka Beledweyne, halkaasi oo muddo lagu hayay, dabadeedna lagu sii daayay.

Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga xumaaday sida ay Wadaadadaas ula dhaqmeen Ciidamada Itoobiyaanka, iyadoo la arkayay iyagoo dhowr jeer inta meelo la fariisiyo hadana laga sii kaxeynayay.

Wadaadada Tabliiqa ayaa waxay yihiin kuwo aan hubeysneyn oo ku caan ah fidinta Diinta Islaamka, waxayna isaga kala gooshaan Dalal badan oo Caalamka ah, iyagoo weliba inta badan aanan isticmaalin wax gaadiid ah noocii uu doono ha ahaadee.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii Culumaa’udiin ka tirsanaa Dariiqada Tabliiqa lagu dilay Masjida Al-Hidaaya ee ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoo falka lagu dilay Culumaa’udiinkaasna ay si weyn uga xumaadeen Dadka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia