Talaado, May 13, 2008(HOL): Inkastoo Maalmihii hore dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ahaayeen kuwo aaminsanaa in Ciidamada Itoobiyaaku aysan soo dhaafi doonin fariisinkooda Jante-kuundisho, ayaa hada waxaa muuqneysa in xaalku sidaa iska badalay islamarkaana lagu arkayo Ciidamada Itoobiya Is-goosyada Magaalada iyo goobaha dadku ku badan yahay taa oo dareen cabsi leh ku abuurtay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo inta badan dhagta uun ka maqla dhibaatada lagala kulmo dagaalada dhaxmara Ciidamada iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Subaxii marka uu waagu baryo ayaa waxaa ay indhaha ku kala qaadaan dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne Askar Itoobiyaan ah oo ku hubeysan hubka culus kuwaa oo fariisin ka dhigta Is-goosyada iyo goobaha Is-tiraatijiga ah, Inkastoo hadana aysan jirin baaritaano ay ku sameeyaan Gadiidka iyo Dadka isticmaala goobaha Ciidamada fadhiyaan, lakiin hadana waxaa muuqneysa in foojignaantu halkeedii tahay.
Dareenka ugu weyn ee shacabku qabo ayaa waxaa la oran karaa waa mid la xiriirta waxa la filan karo hadii ay isku dayaan Xoogaga Islaamiyiinta in ay ku wax yeeleeyaan gudaha Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo waliba dhibaatada shacabka ka soo gaari karta wax
yaabaha Qaraxa oo meelaha qaar loo galiyo Ciidamada taa oo la oran karo waa ay ka nasteen maalmihii aynu soo dhaafnay dhagaha dadka reer Beledweyne.
Markii ugu horeysay ayaa saakay markii uu waagu baryay waxaa ay Ciidamada Itoobiyaaku ku qabteen bartamaha Magaalada Beledweyne qaar ka mid ah Culimada Tabliiqa oo xiligaa ku sii jeeday mid ka mid ah Masjidyada Magaalada kadib markii sida loo maleynayo Ciidamadu ka shakiyeen, kuwaa oo aan la ogeyn halka ay la tageen Ciidamadu.
Sidooo kale meelaha sida rasimiga ah Ciidmadu fariisinka uga dhiteen ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo warar soo baxaya sheegayaan in Maalinta Bari ah ay soo gaari doonaan Xubno ka tirsan Maamulka cusub ee Dowladu soo magacaawday kuwaa oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Max'ed Xaaji Axmed (Dhagaweyne) waxaana saakay ay wadaan Ciidamada Itoobiyaaku baaritaano la xiriira hadii ay jiraan wax yaabaha qarxa oo lagu aasay Xaruta Maamulka Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Waa sidee Dareenka Shacabka ku dhaqan Gobalka Hiiraan ee ku aadan Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ka dhigtay Magaalada Beledweyne?
Cabirka Farta
More News
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo Wadaado Tabliiq ka qabtay Magaalada Beledweyne, kadibna sii daayay
- Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in aanu Shirka Jabuuti dan u ahayn Umadda Soomaaliyeed
- Dhinacyada isku haya Soomaaliya oo loogu baaqay in ay Nabad-raadiyaan
- Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Berdaale ee Gobolka Bay
- Dowladda Federaalka oo ugu baaqday Isbaheysiga Dib u xoreynta in uusan shuruud ku xiran wada Hadallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya
- Gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo hakaday