Talaado, May 13, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay ka fekeraan dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, “Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay ka fekeraan dhibaatada ka taagan Soomaaliya” ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah.
Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu intaas ku daray in dhinacyada isku haya Soomaaliya looga fadhiyo in ay xal siyaasadeed gaaraan, isla markaana ay u naxariistaan Dadka tirada badan ee ay Muqdisho duleedyadeeda ku heysato nolol xumida.
Wakiilka oo ka hadlayay Xaflad lagu furayay Shir Dib u heshiisiineed oo ay taageereyso Qaramada Midoobay oo shalay ka dhacday Magaalada Djibouti ayaa wuxuu rajo ka muujiyay in Wada hadallada ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda uu xal u keeni doonaan mushkiladda ka taagan Soomaaliya dhowr iyo tobanka sano.
Shirka ay labada dhinac ku yeelanayaan Dalka Jibouti ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho ay muddo sanad ka badan ka socdaan dagaallo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena sababay barakac baahsan oo soo gaaray Dad badan oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wada hadallada ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ayaa guddiyada uga qeybgelaya labada dhinac waxay kala qabaan fikrado kala duwan, iyadoo Ergada Dowladda ay dooneyso in la isa soo hor-fariisto oo la wada hadlo, halka Ergada Isbaheysiga Dib u xoreyntana ay ku adkeysanayaan in aysan hor-fariisan Ergada Dowladda iyadoo ay Dalka Soomaaliya joogaan Ciidamada Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia