Axad, March 30, 2008(HOL): Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhaawac loogu geystay inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biraweyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen oo ka tegay magaalada Muqdisho, isla markaana ku sii jeeday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhaawacay Kooxo hubeysan oo rasaas ku furay gaari Mark II ah oo uu la socday.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wanla-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose Axmed Xuseen Shiikh ayaa sheegay in Xildhibaanka uu soo gaaray dhaawac fudud, isla markaana dhaawaciisa loo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in Kooxaha hubeysan ee Xildhibaanka rasaaseeyay ay ahaayeen kuwo doonayay inay dhacaan Xildhibaanka, wuxuuna intaas ku daray in markii uu dhacay falkaas kadib ay Kooxihii hubeysnaa leexsadeen Gaari ay saarnaayeen Dad safar ahaa, kaasi oo haatan ay baadi-goob ugu jiraan Ciidamada Booliska Degmada Wanla-weyn.
Wadada isku xirta magaalooyinka Wanla-weyn iyo Buur-Hakaba ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayaa waxay tahay mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn, waxaana mar kasta lagu dhacaa Dadka u kala safra Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho, mana jirto ilaa iyo haatan cid isku howleysa in ay amni darradaas wax ka qabato haddii ay ahaan lahayd Dowladda Federaalka ama Dadka Deegaannadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia