Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo jawaab ka bixiyay hadal uu shalay sii daayeen Faarax Wehliye Caddow Sendiko

Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed -Aadan Xaaji Yabarow Wiish
AADAN XAAJI YABAROW WIISH: “Isboortiga Soomaaliyeed Isbaaro ma lahan, waxaana u sheegeynaa Faarax Sendiko in ay Isbaaradii dhamaatay”

Axad, March 30, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) ayaa maanta wuxuu jawaab ka bixiyay hadal uu shalay sii daayay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Faarax Wehliye Caddow Sendiko, kaasi oo ahaa in ganaaxii ay FIFA saartay laga qaaday, isla markaana uu sidoodii u hayo Xilalkii uu ka hayay Isboortiga Soomaaliyeed.

Shir jaraa’id oo uu Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ku qabtay Xaruntiisa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu uga jawaabay hadalkaas, wuxuuna guddigu sheegay in uu yahay mid hoggaan leh, isla markaana aanan hoos-tegin Faarax Sendiko.

Ugu horeyn waxaa shirka jaraa’id ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shatranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac oo isagoo ku hadlayay magaca Xiriirrada kala duwan ee hoos-yimaada GOS sheegy in ay xor u yihiin in ay doortaan ciddii ay doonayaan, isla markaana ay haatan leeyihiin hoggaan ay horay u doorteen, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid xoog ku heysan karta Xiriirrada Soomaaliyeed ee hoos-taga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirka jaraa’id  ka hadlay Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirradiisa ay yihiin kuwo hoggaan xor ah leh, isla markaana loo sameeyay Dastuur u gaar ah oo uu aqoonsaday, isla markaana saxiixay Xiriirka Olombikada Adduunka.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shatranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac
“Waan ka xunnahay in Faarax Sendiko oo ahaa Aabaha Isboortiga Soomaaliyeed uu yiraahdo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed aniga ayaa weli madax u ah oo u taliya, waxaan leenahay Isboortiga Soomaaliyeed Isbaaro ma lahan, Faarax Sendiko-na waxaan u sheegeynaa inay Isbaaradii dhamaatay”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Aadan Xaaji Yabarow Wiish wuxuu sheegay in kadib markii ay FIFA ganaaxday Faarax Sendiko uu Guddiga Olombikada Soomaaliyeed sugayay sidii ganaaxaas looga qaadi lahaa muddo Afar sano ah, hayeeshee haddii ay arkeen in aaney wax isbedel ah soo socon ay go’aansadeen in ay hoggaan cusub doortaan.

“30-kii Oktoobar 2006 ayaa shirweyne ay isugu yimaadeen Xiriirrada Isboortiga Soomaaliyeed waxay Guddoomiye ugu doorteen C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo xilka sii heyn doona ilaa sanadka 2009”ayuu mar kale yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Ku simaha Guddoomiyaha GOS oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Faarax Sendiko oo ay garbo u ahaayeen intii uu madaxda ahaa uu hadda yiraahdo wixii oo dhan waa hal bacaad lagu lisay, sida uu hadalka u dhigayna uu baalasha ka rifo.

Intaas kadib Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu ka hadlay wixii uu guddiga Olombikada Soomaaliyeed qabtay muddo sanad ah oo uu jiray, wuxuuna sheegay in uu ku guuleystay markii ugu horeysay muddo 48 sano ah in Xiriir kasta uu yeesho Dastuur u gaar ah oo uu aqoonsan yahay Guddiga Olombikada Adduunka (IOC), halka ay  markii hore hal Dastuur lahaayeen GOS iyo Xiriirrada hoos yimaada.

“Mudadii Sanadka ahayd waxaa kale oo uu Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed ku guuleystay inuu maamulka GOS iyo kan Xiriirradaba uu ku soo daro Soomaalida ku nool Qurbaha (Diaspora), taasoo fursad siisay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurbo Joogta ah in ay ka qeybqaataan horumarinta Isboortiga, kana qeybgalaan Tartamada Caalamiga ah”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa wuxuu jawaab u ahaa hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay  Faarax Wehliye Caddow oo isagoo jooga Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta Qadka Taleefoonka Shir jaraa’id ugu qabtay Wariyayaal ku sugan Magaalada Muqdisho, isla markaana shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay FIFA ka qaaday ganaaxii ay horay ugu soo rogtay, uuna haatan wixii ka dambeeya qabanayo  xilalkii uu hayay FIFA, CAF iyo GOS.

Bidix ka bilow: Prof. Caddow, Aadan Yabarow Wiish, CalI Saciid iyo Aweys Orofeeyo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia