Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Dalka Sacuudiga

Axad, March 30, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay ku sugan yihiin  Magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaasi oo ay ku tageen martiqaad ay ka heleen Dowladda Sacuudiga.
 
R’iisal Wasaaraha oo intii uusan u amba bixin Sacuudiga u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in ay martiqaad u fidisay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna sheegay  in ay halkaas waqti kooban ku maqanaan doonaan.

Socdaalka uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ugu amba baxay Dalka Sacuudiga ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Nairobi gaareen madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ,kuwaasi oo ay casuumaad u fidisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Xafiiskeeda Siyaasadda oo dadaal ugu jira sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ka socda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo sanad gudahiis ah socdaal ku taga Dalka Sacuudiga, waxaana horay u booqday Sacuudiga Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxay ka mid tahay Dowladaha sida weyn u daneynaya xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ka mid tahay Dowladaha dhaqaalaha ku bixiya Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia