Shirkii Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uga socday Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda oo la soo gebagebeeyay

Khamiis, March 13, 2008(HOL): Waxaa la soo gebageeyay shir muddo todobaad ah uga socday Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo shirkaasina uu ku saabsanaa labo qeybood oo kala ah in la sameeyo Hoggaan ay yeesheen Ururrada aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyo in nabadeynta Soomaaliya la isugu keeno Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Shirkani oo socday intii u dhaxeysay 8-13/03/2008, isla markaana lagu qabtay Hotelka Imperial Resort Beach ee magaalada Entebbe ee Dalka Uganda ayaa waxaa ka qeybgalay dad ka badan 140 Ruux, kuwaasi oo ka kala yimid dalka Soomaaliya gudahiisa iyo Dibaddiisa.

Xafladdii lagu gunaanadayay shirkan ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarist aiyo Wadatashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle, C/raxmaan Raage oo ka socday Hay’adda Interpeace, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ku hadlayay magaca Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Cusmaan Jaamac Cali Kalluun oo ku hadlayay Magaca Odayaasha shirka ka qeybgalay ee dibadda ka yimid.

C/raxmaan Raage oo ku hadlay magaca Guddiga Qabanqaabada Shirka isugu keenidda Bulshada Soomaaliyeed ee nabadeynta Soomaaliya ayaa wuxuu ugu horeyn u mahadceliyay Hay’adaha iska kaashaday qabashada shirka, ka soo qeybgalayaasha iyo weliba Dowladda Uganda, wuxuuna intaas kadib sheegay in shirka u soo dhamaaday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uu yahay mid yididiillo leh, isla markaana beesha caalamka ku rajo gelinaya in wax laga qabto Xaaladda Dalka Soomaaliya.

Jabriil Ibraahim Cabdulle waxaa uu sheegay in markii uu shirka soo idlaaday, isla markaana ay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed wada doodayeen muddo todobaad ah ayaa wuxuu sheegay in haatan xaaladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan leedahay, isla markaana ay saan-saantaas muuqato, “marka jiilaal dhaco ee uu roobka soo dhow yahay waxaa lagu gartaa in uu roobku di’i rabo saxansaxadiisa, marka hadda  waxaa muuqaneysa in ay dadka Soomaaliyeed dhibaatadu ka daaleen, isla markaan ay hadda u baahan yihiin Nabad”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Jabriil oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in dhinacyadii shirka ku yeeshay magaalada Entebbe ay marka laga soo tago shirka guud ee la isugu wada imaanayay ay yeesheen shirara gaar gaar ah oo ay go’aanno ka soo saareen, haddii ay ahaan lahaayeen Qurbo-joogta, Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha, kuwa aan dowliga ahayn iyo weliba Ururrada Haweenka, wuxuuna sheegay in go’aannada dhinacyadaas kala duwan ka soo baxay ay dhamaantood yihiin kuwo isku mid ah oo tilmaamaya sida loogu baahan in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo isna ku hadlay magaca Odayaasha Dhaqankanka ee shirka ka qeybgalay ayaa wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer ku soo jireen dhibaato, haatan wixii ka dambeeyana aysan dhibaato kale u noqonin, “waxaan leenahay oo ku baaqeynaa in dagaallada la joojiyo, isla markaana la badbaadiyo inta ka hartay Bulshada Soomaaliyeed”ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaas Maxamuud waxaa uu intaas ku daray in shirka loo qabtay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uu yahay shirkii labaad oo loo qabto Dadka ka kala yimid Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda oo hadana ka socda Bulshada Qeybaheeda kala duwan, “Shirkan wuxuu ahaa shirkii labaad  oo loo qabto Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo dalka dibaddiisa ka dhaca, isla markaana uu ka qeybgalo madaxweynaha Dalka shirka lagu qabanayo, waxaana ka horeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkiisa ku martigeliyay shir sidan oo kale ay Soomaali isugu timid”ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Waxaa sidoo kale xafladdii xirtaanka shirka ka hadlay Cusmaan Jaamac Cali Kalluun oo ku hadlay magaca Odayaasha Shirka ka qeybgalay, wuxuuna sheegay Cusmaan Kalluun, in ay u muuqaneyso rajo ah in dhibaatadii Soomaaliya ay hareyso, isla Markaana ay Soomaaliya ka mid noqoneyso wadamada ugu Nabadgelyada iyo horumarka wanaagsan Qaaradda Afrika guud ahaan, gaar ahaan Bariga Afrika.

Cusmaan Jamaac Cali Kalluun waxaa kale oo uu baaq u diray Beesha Caalamka oo uu ka codsaday in intii ay u soo diri lahaayeen 10 kun oo Ciidamo ah ay u soo diraan 10 kun oo Aqoonyahanno ah oo wax ka qabta dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna taasi uga dan lahaa in Aqoonyahanno badan oo soomaaliyeed ay ku nool yihiin Qaaradaha Adduunka.

Cusmaan Jaamac Cali Kalluun waxaa kale oo uu baaq u diray dhinacyada isku haya Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamada Islaamka, wuxuuna ugu baaqay in ay dagaallada joojiyaan isla markaana ay wada hadal ku bedelaan dagaalka u dhaxeeya, isagoo carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka iyo Maxkamada Islaamka ay labadaba ku guuldareysteen arrimaha Soomaaliya wax ka qabashadooda.

Ugu dambeyntiina, Shirka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ugu soo dhamaaday magaalada Entebbe ee dalka Uganda ayaa waxaa laga soo saaray waxyaabihii lagu guuleystay in la sameeyo intii uu shirka guud ahaan  socday kuwaasi oo isugu jiray in la dhisay Hoggaan ay ku mideysan yihiin Ururrada aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyo in lagu guuleystay in la helo aragti mid ah oo ay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaalieed ka qabaan xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in go’aannadii shirka ka soo baxay ficil loo bedelo, isla markaana la daba-galo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis),  Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia