Khamiis, March 13, 2008(HOL): Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah ayaa soo dhoweeyay qorshaha cusub ee dib u heshiisiinta ku wajahan dalka Soomaaliya ee uu soo bandhigay Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde.
Ahmedou Ould Abdallaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay inuu aad u soo dhaweynayo dadaallada dib u heshiisiinta ee uu wado Ra'isal wasaare Nuur Cadde, taasoo uu ku sheegay tallaabo wanaagsan.
Amp. Ahmedou ayaa sheegay in ay taageerayo dadaalo kasta oo xal u ah arrimaha soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay dhinaca kale ee dowladda ka soo horjeeda in ay la hadlaan Dowladda.
"Dadaalka uu wado Ra'isal wasaare Nuur Cadde waan taageeraynaa, waana tallaabo aanu soo dhoweyneyno, isla markaana aynu rajeynayno in ay hirgasho" ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.
Ra'isal wasaare Nuur Cadde oo shalay soo bandhigay qoshaha cusub ee dib u heshiisiinta, oo uu ku sheegay inuu wadahadal la geli doono kooxaha mucaaradka dowladda meel kasta oo ay joogaan gudaha dalka iyo dibaddaba, isla markaana aan lakala sooceynin oo uu dhammaan mucaaradka la kulmayo ayaa durba helay soo dhaweyn beesha Caalamka ah waxayna
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay qorshaha dib u heshiisiineed ee uu soo bandhigay Ra'isal wasaare Nuur Cadde
More News
- Shirkii Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uga socday Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda oo la soo gebagebeeyay
- Hay'adda WHO oo shaacisay inay Muqdisho ka sameynayso goobo caafimaad oo lagu xannaaneeyo dadka qaba AIDS-ka
- Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la dilay iyo dhaawac loo geystay labo ka mid ah shaqaalaha Hay'adda MSF Spain
- Macallin Dugsi Qur'aan iyo Fannaan maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho
- Weerarkii Gabboose, Difaacii Komishanka, Baaqii Abwaan Hadraawi iyo saadaasha Doorashooyinka Somaliland