Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la dilay iyo dhaawac loo geystay labo ka mid ah shaqaalaha Hay'adda MSF Spain

Khamiis, March 13, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday shaqaale u shaqeynayay hay'adda MSF Spain oo mararyay degaanka Galgalato ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi ku geeriyooday Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG Soomaliya oo la oran jirey Xasan Gacal, labo kale oo ka mid ah shaqaalaha hay'adda MSF Spain way ku dhaawacmeen.

Sarkaalka iyo shaqaalaha hay'adda MSF-Spain oo saarnaa gaari ay ku wadeen daawo loo waday xarun caafimaad oo ay hay'adda dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF Spain ku lahayd magaalada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe, iyagoo marayay waddadaas.

Labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Keysanay ee magaalada Muqdisho oo ku yaala meel si aad ah ugu dhow goobta uu weerarku ku dhacay.

Ilaa hadda lama oga ujeeddada ka dambaysay weerarkan iyo kooxda geysatay iyadoo la sheegay in kooxdii weerarka geysteen ay ku baxsadeen Gaarigii ay saarnaayeen sarkaalka ay dileen iyo labada dhinac ee dhaawaca ay u geysteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis),  Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia