Ciidamadii Dowladda Federaalka ee ku sugnaa Wadada Wadnaha oo halkaas isaga baxay iyo Banaanbaxyo halkaas ka dhacay

Isniin, March 10, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo in muddo ah ku sugnaa qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka halkaas isaga baxay.
 
Meelaha ay Ciidamadan ka baxeen ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha, waxaana halkaas haatan ka socda Banaanbaxyo ay sameynayaan dadkii deganaa xaafadaha u dhow Isgoysyadaas.
 
Goobaha ay Ciidamada ka baxeen oo in muddo ah aysan isticmaalin wax gaadiid ah ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq gaadiid, gaar ahaan kuwa Dadweynaha oo qaarkood ay si tijaabo ah wadada ku marayaan.
 
Lama oga ilaa iyo haatan waxa keenay in ay Ciidamadii halkaas ku sugnaa isaga baxaan iyo in ay Ciidamadaas mar kale dib ugu soo noqon doonaan Isgoysyada ay ka baxeen oo ah kuwo laga galo Suuqa Bakaaraha.
 
Ka bixitaanka Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee wadada Wadnaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa in muddo ah ay Isgoysyadaas ka dhacayeen Iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ka bixitaanka Ciidamadan ee Wadada Wadnaha ayaa waxaa soo dhaweeyay dadkii ku noolaa guryaha u dhow meelaha ay Ciidamada ka baxeen, sidoo kalena waxaa soo dhaweeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo dhibaato ku qabay joogitaanka Ciidamadaas ee Wadada Wadnaha, gaar ahaan Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia