Isniin, March 10, 2008(HOL): Waxaa maanta degan xaaladda Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo beryahan ay xaaladdiisa ahayd mid cakiran oo aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah.
Deganaanta uu maanta ku jiro suuqa Bakaaraha ayaa waxay timid kadib markii ay gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha ay ka baxeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo in muddo ah ku sugnaa waddooyinka laga soo galo Suuqa Bakaaraha.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa saaka waxaa u suurtagashay in ay furtaan goobahooda ganacsiga oo aysan in muddo ah furin sabab la xiriirta ammaanka Suuqa Bakaaraha oo xumaa.
Dad badan oo isugu jira ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Dad Suuqa u soo dukaameysi tegi jiray ayaa waxay si weyn ugu farxeen deganaanta uu dib u helay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Dhanka kalena, waxaa jiro shirar u socda Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo shirarkooda uga hadlaya wax ka qabashada xaaladda ammaan ee Suuqaas, iyadoo ay jiraan warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in ay suurtagal tahay in Suuqa Bakaaraha loo sameeyo Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia