Weerar Xalay lagu qaaday Guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan

Isniin, March 10, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenimdii xalay weerar ku qaaday gurigga uu ka degan yahay Magaaladda Beledweyne gaar ahaan Xaafadda Howl-wadaag Gudoomiye Ku-xigeenka Arimaha Bulshadda Cabdi Xuseen Geedi.
 
Kooxaha weerarka soo qaaday oo sidda la sheegay watay labo Gaar oo Noocoodu ahaa (Roonet) ayaa marka hore weerarkoodu u adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah waxaan intaa kadib la maqlay rasaas culus oo ay is weydaarsadeen ilaalada Gurigga iyo Kooxaha ka soo horjeeday inkastoo uusan jirin wax qasaare ah oo ka dhashay weerarka lagu qaaday Gurigga Gudoomiye Ku-xigeenka.
 
Ciidamo Itoobiyaan ah oo  aad u hubeysan ayaa saakay gaaray Gurigga Gudoomiye Ku-xigeenka kuwaa oo u guur-galayay sidii ay xalay wax u dhaceen, waxaana xusid mudan in wixii ka danbeeyay dagaalkii dhawaan ka dhacay gudaha magaaladda Ciidamadda Itoobiyaanku qeyb-weyn ka qaataan sugidda Nabad-galyadda guud.
 
Dadka ku dhaqan Magaaladda Beledweyne ayaa waxaa soo food saaray Cabsi ku aadan weeraradda is daba jooga ah ee ka dhacay qeybo ka mid ah Magaaladda gaar ahaa weerarkii xalay lagu qaaday Gurigga Ku-xigeenka Gudoomiyaha maadaama Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugnaayeen inta badan Xaafadaha Magaaladda Beledweyne.
 
Dhinaca kale wararka laga helayo Degmadda Buula-burte ayaa sheegaya in ay jiraan Xiisaddo ka dhashay dil habeen hore loogu geystay gudaha Degmadda Col. C/dulle Axmed Waasuge, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxay Degamadda Buula-burte ay sheegayaan in Odyaashu ku howlan yihiin sidii xiisadda loo dajin lahaa.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia