Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo lagu dilay Saldhigga Booliska Degmada Dayniile

Cabirka Farta

Khamiis, June 26, 2008(HOL): ilaa 9 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu gowracay Saldhigga Booliska Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in 9 askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ku gowraceen Saldhigga Booliska  Degmada Dayniile.

Sarkaalkan ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa wuxuu intaas ku daray in 9ka Askari oo sida uu yiri la gowracay ay qaabka loo dilay ahayd mid ka baxsan Bani’aadannimada, isla markaana ah wax aad looga xumaado.

Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Xaafadda Far-Janno ee Degamda Dayniile ayaa isna sidoo kale wuxuu xaqiijiyay dilka Askartaas ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo uu sheegay in markii la dilayay ay meel ku qayilayeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda ee la dagaalama ayaa waxaa u dhaxeeya is-ugaarsi ay isku raadsanayaan, iyadoo mararka qaarkoodka ay dhexmaraan dagaallo fool-ka-fool ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia